Xiisaha kalgacal
Muduloo igu xeroo
Ixanibay darteedee

Xididada jirkoo
Xiska iyo wadnaha
Way xanbaarsatoo
Xubin qaaliyo
Qabligay xadoo
Xageeda jiraa

Waxaa tahay xurmoo
Dumar taan ka xushee
Xiriirkayna wacan
Xajiyoo adkee
Xanaanay axdiga

Xasilooniyo
garasho iyo xaqdhoor
Taan ugu xushaay

Dhulka meel xarfaad
Lagu xuntamay
Ku xambaariso
Dhaayo xooliyo
Lagu habay Xaraa

Waxaa tahay xurmoo
Dumar taan ka xushee
Xiriirkayna wacan
Xajiyoo adkee
Xanaanay axdiga

Exit mobile version