baxsanaw kalgacal
barashaba hortaa
anigoon ka bogan
oo beenini jirayee

adigaa i barayoo
alifkiyo ba'dii
ii bilaabayoo
bare ii noqdee

baaniyo qofaaad
u baxnaano tahay
lama baal maree
bisikiyo u qabo
caashaqa burdaha

baxsanaw da'daa
bariyo galbeed
anigoon u bixin
oo beenin jirayee

adigaa i barayoo
baaq iyo heshiis
ii bayaanshayoo
balan ila galee

Exit mobile version