calankayga buluuge
cidhka muunad la cayne
xidigtaa cadee nuurte
shanta gees ku caane
casiiskii igu deeqe

caawa waa caawadii
caadilka mahad leh
cid wax leh ii dishodiyo
culuskii la iga qaadye
maandeeq ma ii curatee
cawaale u dhidiblee

halkaad cidhib saarte
cududaada lama ciirsho
ahow wiil iyo caano
sareeyo camirnow
rabigay kuma ciil

calankayga buluuge
daruurta canba caynkee
halba gaar u caweeye
cidhifka isa saartiyo
carshigaa ku mataano

maanta waa cashadii
gushaan cindiyay
geesiyaal cartamee
cabaadkooda la yaabe
car u sheeg gumaystuhu
cawda ay u jareen

halkaad cidhib saarte
cududaada lama ciirsho
ahow wiil iyo caano
sareeyo camirnow
rabigay kuma ciil

Exit mobile version