dhayal ha u malaynine
dhaayahii ku halacsada
kaa dheehanayne

dhamaan waaxyahaygana
inta dhiiga qaadee
adiga dhex jiifee

dhabtii waxaad tahay
dhigta udubka haysiyo
dhismahayga noloshee

qawlkaagan dhilanee
isu dheeli tiranba
dhuuxayga raacee

dhaqdhaqa wadnahana
adigaa ku dhiganoo
igu dheehan anigee

Exit mobile version