VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gaarsiya - Lyrics

ma'ogtahay sidii baan
geesigaan jeclaa
inuu guulle igu simo
gacmo kor u hayaaye
ma'ogtahay sidii baan
goor iyo ayaan
guriguu ku nool yahay
isu gacan salaamaayee
bal inuu garwaaqsado
siduu caashaq ii galay
gasinkiina iga jaray
uga go'ay hurdada
ha guddoonsadee
deeqsigaan jeclaa gaarsiiyaye
gaarsiiya idinkuna
gaarsiiya idinkuna
------------------------------------------------------------------------
Ma'ogtahay sidii baan
gacalkaan jeclaa
gucla roorka raacdada
aan u goobayaayee
ma'ogtahay sidii baan
gurxan iyo guhaad
sida aar gantaal qaba
aan u goohayaaye
bal inuu garwaaqsado
siduu caashaq ii galay
gasinkiina iga jaray
uga go'ay hurdada
ha guddoonsadee
deeqsigaan jeclaa gaarsiiyaye
gaarsiiya idinkuna
gaarsiiya idinkuna

Queue is empty
-- / --