VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gacal - Lyrics

Sahwiday naftayduyee Waxa sidatan ii galay Seexan waayga igu riday Waa samar jacayloo Sidaan ahay cid mooganee Lama socoto xaalkee Saxriir kalgacalbaa Sahwi la iga dhigoo Aan wali ku suganahay Ruuxii samir ka deershaa Sandulaa ku soo noqon Markuu saxa gaaree Sidaa doonto yeelo Gacal waan ku sugayaa Caashaquna sabaalada Saha oo kuladanyahay Kama haro sadkiisuye Ma is iri sagaal jeer Sawarkiisa jeex jeex Ha udhixin sidiisa Hayeeshee sir iyo caan Waxaa la igu sabaayaa Seelankii jacaylkeee Ruuxii samir ka deershaa Sandulaa ku soo noqon Markuu saxa gaaree Sidaa doonto yeelo Gacal waan ku sugayaa
Queue is empty
-- / --