Heesta Gacal - Lyrics
Sahwiday naftayduyee
Waxa sidatan ii galay
Seexan waayga igu riday
Waa samar jacayloo
Sidaan ahay cid mooganee
Lama socoto xaalkee
Saxriir kalgacalbaa
Sahwi la iga dhigoo
Aan wali ku suganahay
Ruuxii samir ka deershaa
Sandulaa ku soo noqon
Markuu saxa gaaree
Sidaa doonto yeelo
Gacal waan ku sugayaa
Caashaquna sabaalada
Saha oo kuladanyahay
Kama haro sadkiisuye
Ma is iri sagaal jeer
Sawarkiisa jeex jeex
Ha udhixin sidiisa
Hayeeshee sir iyo caan
Waxaa la igu sabaayaa
Seelankii jacaylkeee
Ruuxii samir ka deershaa
Sandulaa ku soo noqon
Markuu saxa gaaree
Sidaa doonto yeelo
Gacal waan ku sugayaa