guud ahaan amaan dumar intay gabadhi leedahay
gaaridii mudnaydee gayaankeed ka doortay

ragba gabi ahaantood guur markaan u soo kacay
naftu kay gaclootee geesinimo ku raacoow

geediaagii dheeraa galabtaad dhaqaaqdaa
garabli i aduunyadu gooni ii ahaatoo

gantaalihii jacaylkaa ka gudbaayoo laabtoo
gama li i naftayduna guduun kuu ahaatee

go aankii dhexdeeniyo aynu guusha gaadhnee
gayigii ku soo noqo ado ila gudboonoo
gar waaqsaday jacaylka

taladaan gorfayniyo aynu guri yagleelnee
guntiga u adkaysoo gayigiina waan iman
anoo kula gudboonoo galbinaaya caashaqa

Exit mobile version