Kuma riyaaqina bal kaadso
Adunbaa riyooday u fiirso
Nafta kuma rabtay rumeeso
Ruuxda kuma jeclee jideeso

Rugta iyo goobtaad bideeso
Adoon dagin lama baaso
Ha daalin raxlaynta keedso
Gayaankaa habeen ka raadso

Kuma rabo ii daa adkeeso
Kuma rabo xiisaha ka bogso
Kuma rabo qayrkaa sameeso

Kama rasaynin ka baaqo
Kuma raacin dooqay iimaanso
Xuska kuma rignee dhageeso
Ruxda kuma jeedee jideeso

Hanka iyo rajadaad arkeeso
Adoon rabin looma heeso
Hadaalin raxlaynta keedso
Gayaanka habeen ka raadso

Kuma rabo ii daa adkeeso
Kuma rabo xiisaha ka bogso
Kuma rabo qayrkaa sameeso

Exit mobile version