rug xalaaliyo raas laba dagtoo
raaxada ifkiyo aayaha runta ah
ku rafiiqdoo isku reeyay

laba ra'yigiyo rug wadaagtiyo
noqda raynrayn reer ku waaroo
risiq wayn hela

awlaad raxanoo raas qabowloo
loo riyaaqana RABI ha idin siiyee

laba ROONUHU rasmi uga dhigay
jacayl raaga iyo raasamaaliyo
rabitaan dhaba

reero hogolkiyo sudog iyo rixinkuba
kuu riyaaqaan rukuun la hadhsado
RABI kaa yeel

Exit mobile version