logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qalbigaygaad Mirataa mp3 ahaan

Sawirka Ikraan Caraale

Ikraan Caraale

Fikradaada ka dhiibo heestan

Qalbigaygaad Mirataa lyrics

Sida Meel Ugbaadloo
Mahiigaan Intuu Helay
Manka Iyo Ubaxii
Midabeeyeen Quruxdaad
Maankayga Deeqdoo
Muxibada Aan Kuu Qabo
Mililico Daraadeed
Lyrics by Masuul.com

Meeluunbaa Ku Tebaysoo
Kuu Muhatay Adigee
Inan Yahow Majiifsado
Maledoo Huradada\’Oo
Beerkaad Ku Mudantoo Ax
Waad Iwada Mushaaxdoo
Qalbigaygaad Mirataa

Sidaad Tahay Mumtaas Iyo
Muunad Wada Xariiriyo
Ama Meydab Geel Iyo
Miiraale Roobaad
Waan Kugu Mabsuudoo
Waxaan Kugu Mataalo
Miisaan Lasaarana
Dunidaba Mayaaloo
Ma Malayn Karaayee
Inan Yahow Majiifsado
Maledoo Huradada\’Oo
Beerkaad Ku Mudantoo Ax
Waad Iwada Mushaaxdoo
Qalbigaygaad Mirataa

heesta ma shaqeeneeso fadlan nala socodsiiy
-- / --