VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Samir mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ikraan Caraale
Samir

Weligoodba yeey qirin
Qiimaha haweenkoo
Raggu ha isu qaataan
Inay qaar na dheeryihiin
Qayrkey aduunyada
Talo inaan la qeebsado
La noqotey qadarko
Qalooc ha iga moodaan
Kii qaatay laabtee
Qalbigeeyga dhaawacay
Hadii aanan qarinoo
Qirtey caashqaygi
Qaladkeegu waa maxay??
Bal miyaa qiyaamaha
Qabilaada aaqiro
Qaf waliba arag iyo dumac
Qaawanaan ku imaaneen
Kaligeey uqoolaan
Qalad kuu sameeyo
Qiraneen Qiraneen ?
Qiraneen Gafkiisee..?

Waa isku qiimo aadmigu?
QAADIROOW aktaadee
Kaa quurdareeyee
Ragga kaan ka qaatey
Hadii aadan ii qorin
ii qabooji laabtoo
Samir aan ka qaadee

Weligoodba yeey qirin
Qiimaha haweenkoo
Raggu ha isu qaataan
Inay qaar na dheeryihiin
Qumanaa raggo idil
Qoorta ugu jira oo
Ha qarween nabiidoo
Runta ha iska qariyaan
Qalinkeeynu dhiganaa
Mala qool u yeela
Qoraalka iyo Aqoontay
Quuri la’yihiinoo
Mala qaadan waayay

Bal miyaaney qoofeyn
Qaadirkood ka yaabeen
Qomamada haweenkiyo
Ka qashaafin xumahoo
Hooyo uur ku qaadey
Naaska quudineesay
Rixinkii Rixinkii
Rixinkii qadarineeenin
Waa isku qiimo aadmigu?
QAADIROOW aktaadee?
Kaa quurdareeyee
Ragga kaan ka qaatey
Hadii aadan ii qorin
ii qabooji laabtoo
Samir aan ka qaadee

Saxid by
Abdikadir Adan Nor

codkii Ikraan Caraale