Mukhtaar:
Sida dhayman iyo luul
Dhaldhalaaka midabada
indhaho ay la dhacayaan

Ama dhugul hileelee
Hasha oon haleelaan
Dhowr caanahaydiyo
Dhitada iyo kuruurkiyo
Dhayada jiriwgeee
Dhacda hilibka lagu helo

Sida loogu dhaloolaa
Dhaxda igu maratoo
Adna igu dheertahay

Ikraan:
Sida faraska dhanbaaloo
Qurux loo dhameeyiyo
Dhayal ma’ahan socdkuyee

Eebe orod ku dhaliyoo
Kulkuu baala dheelamada
Marka uu dhaqaaqoo
Aan dhaxayn habeenoo
Ciidna dhanbalayoo
Dhoolo tus ku caan baxay

Sida loogu dhaloolaa
Dhaxda igu maratoo
Adna igu dheertahay

Mukhtaar:
Qoraxdoo dhul qeebshaay
Dhoolaha ka keentiyo
Ubaxyo wada dhalaal badan

Dhac ku sisay baalaha
oo dhibicda roobkuna
Udhaceeso aad
Dhitada iyo karuurtiyo
Dhayda iyo tiiradee

Sida loogu dhaloolaa
Dhaxda igu maratoo
Adna igu dheertahay

Ikraan :
Dhaaxa roob ku heeroo
Intuu dhibic biyaha rogay
Dhiilkiina buuxaan

Ka dhax biya rahhu d
Dhalaankuna is gaaaru
Markuu dharag la jiifsaday
Dhalintuna ciyaaraha
Jiitada isku dhiibtay
Dhulkuna nab dooon yahay

Sida loogu dhaloolaa
Dhaxda igu maratoo
Adna igu dheertahay

Exit mobile version