haduu beerku qaybsamo
badhbaan adi ku siin laa
wadnahayga bidixdana
waan kuu badali laha
kaagana waan la bixi laa

waa booli dhiiguye
kaalamaan bakhayleen
nafta laba bahood noqon
badhkaagaan ku siin laa

biyo hadaad cabaysana
bisinkaan ku dari laa
badankaaga faataxo
bawdbaan uga dhigi laa

biyo hadaad cabaysana
fu'adow ku odhan laa
badankaaga faataxo
bawdbaan uga dhigi laa

ILAAH waxaan baryaayaa
aduunyada badhaadhiyo
barkhad inaad ku waartoo
aakhirana bishaariyo
janada inaad ku baridaan

indhahayga baalkiyo
bu'dooda ku dhigan laa
sanbabkaygii bilanbaan
badhtankii ku dhigan laa
bacdan dhagaha maqalkaan
badan kuugu dari laa

waxaan beeri laa ubax
soo bixiyay caashaqu
habeenkii bogaygaan
iigu bari ku odhan laa

markaan soo baraarugo
ikraaneey ku odhan laaa
bildhaantaada aragaan
bilkhayr ugu ducayn lahaa

markaan soo baraarugo
bushaaraan ku siin laa
bildhaantaada aragaan
bilkhayr ugu ducayn laa

waan ku bogabogeeyaa
kuu luli lahaa balal
bila dayay sidiisaan
kuu daawan laa bilic
heeryodalayda oloshaan
biyo sii ku odhan laa

sida boogo dhayga
waan kugu bogsoon laa
hadiyo jeer bariidada
kaalamaana baydheen

sanbabkayga bilanbaan
baloodh kaaga dhigi laa
caqligeena badanbaan
isku wada badhxi laa
balaayada xijaabkaan
burde kaaga celin laa

boholyow kalgacalbaa
bariidada ku tabin laa
riyadaan habeen badha
baxle kuugu tumi lahaa

barbaarta u horeebaan
ikraaneey ku odhan laa
bildhaantaada aragaan
bilkhayr ugu ducayn lahaa

barbaarta u horeebaan
bilaneey ku odhan laa
bildhaantaada aragaan
bilkhayr ugu ducayn laa

Exit mobile version