Heesta Humaag jacayl - Lyrics
hurdo ma seexdo
waan kugu hamiyayaa
habeen intuu yahay
adaan ku haybshaa
hadal macaanow
hanaan wanaago
halyaygaan doortayo
la hana qaaafo
dumar jacaylban
ka dhex heesayaaye
hadaalkaan ju leeyahay
ha u qaadan dheeldhel
hanaqa beerka
hubaal ku taal
nafta kuu hibeeye
hortayda kaalay
hogol da'aysiyo
hilaac arooryo
raga haatan jooga
horyaalka muuqdo
dumar jacayl
ka dhex heesayaaye
hadalkaan ku leeyahay
ha u qaadan dheeldheel