Heesta Iiroonidaa - Lyrics
raasamaal aduun rug barwaaqa iyo
raaxiyo waxaad raas wacan dagtaa
kolka ruux ku jecel raalina ka tahay
guushiyo rajada isku raacsantihiin
rayi wada jiriyo reer lagu nastiyo
noloshii rasmiya run ka wada dhaqdaan
kugu reeyayoo kugu raystayee
rafiiqaygiiyoow rag kadoortayoo
ii roonidaa
raxmadii alliyoo roobkoo da" oo
ramadkii dhaloo rays iyo ugbaad
oo riyaaq kalgacal rayn rayn farxada
labada is rabtaa rabi mahadiyaan
aniguna rucliyo uma galin rafaad
rafiiqaan jantoo ruux qudhaanunahay