Heesta Muxubo - Lyrics
muxibada aan kuu qabo
hadaad sahal aad mooday
maaweelo iyo dheel
ma ogtahay dharaartaan
arkiwaayo muuqaaga
inay ii madawtahay
ma ogtahay habeenkaan
maqliwaayo hadalkaaga
inaan joogo maqanahay
oo kaama maarmee
naftanaad kumudantahay
habeenkaad kamaqantahay
ay murugo badamtahay
mahadhada jacaylkale
haday meel soko dhow
malaha adi kula tahay
ma ogtahay xiskaygiyo
miirkiyo quluubtaba
inaad adi kumarantahay
ma ogtahay nabdiga iyo
inaad maanka labadaba
macaanow kuwayntahay