VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qalbiga kii dhayi lahaa - Lyrics

jacayl dhababaan wadaa i qabay sida dhibica roob laftiyo dhuuxoo galoo dharaarahan i rushee la dhuubtaye hadimadaan intaa la dhawaaqayaa qalbiga dhakafaaray dhafoorkan xanuunka qaba shantaan dhabanada hayaaye bulshadu iga dhoohanaa dhibkaygu ka daahanaa intay i dhaliilayaan qalbiga kii dhayi lahaa daawiyo dhakhtarka u ahaa siduu dhaqankeenu yahay bal may guri noo dhisaan xubnaha dhaqdhaqaaqa wada halbawlaha dhiiga haga intuu i dhex dagay wadnaha dhamaan xididada ku baah umaan dhiman iima tudhin dhanaba wali iima ridin dhakoole wareenka niyada dhul yaalku dilay ayaan wali dhololayaaye
Queue is empty
-- / --