sadex goor xaq mudaneey
xaq mudanleyeey hooyo
xinjirtiayda dhiigaay
xaramkii labaadeey
xaaska haybadiisaay

xogogaalkii dhaqankaay
xildhibaankii noloshaay
xuduntaan ka beermaay
la'aantaa xayaatada
hooyo xabaalban ka gali lahaa

ka xumeeyay ma aflaxo
ka xushmeeyay ma anbado
qof xaqaaga moogani
ma xasilo aduunyada
marka uu xijaabtana
xawdkii RASUULKIYO
jano waa ka xaaraan

hadaan xoog u leeyahay
xayiraaya dhiilada
xumadiyo bukaaniyo
xanuun maydin kulanteen
anigaa xawilan lahaa
dhibka kuu xamili lahaa

sadex goor xaq mudanleey hooyo
xiskaygiyo naftaydaay
xididada halbawlaha
xinjiraha u qaadaay

xujadii aduunkaay
xayndaabkii guushaay
xaruntaan ka beermaay
la'aantaa xayaatada hooyo
xabaalbaan ka gali la'aa

xarumaha calooshee
hooyo igu xamaashee
qayd iyo xanjeerkaad
hooyo igu xanbaartiyo
xanafiyo kulayl iyo
xanuun fooshu leediyo
aqii naaska maba gudo

Exit mobile version