Abdi hani:
Idinkoon adduunyada
wali imaan maqanbuu
amar allee ilaahay
isu kiin abuuroo
ifka idiin ku beeree
Adigaa korkaa ubax
inan yahay lagaa dhigay
kolkaasuu udgoonkii
intuu ku arkay caashaqey

U aydeen nasiibkiin
is aaminiyo guushii
alleeylehee asaagiin
bagaad ka il horreyseen

Ikraan jaamac:

Talo lagu adkaadaa
runbaa lagu aroostaa
awoodiyo aqoon baa
agab waxaad u leedihiin
la isugu aabba yeelaa
Odayiyo sidaasaa
arin lagu ahaadaa
sidaasaa amuuraha
lagu wada ilaashaa
u aydeen nasiibkiin
u aydeen nasiibkiin
is aaaminiyo guurkiin
alleeylehee assaagiin
bagaad ka il horreyseen
Alleeylehee asaagiin
bagaad ka il horreyseen

Exit mobile version