VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waa lay halay cover - Lyrics

waan hu haybinayoo hurdo kaama ladoo huqdaadaa i dishee haa haa jacayl waa halisiyo hawl aduunka jirtoo hebelaa u dhintee haa haa waa lay heloo waaba lay hayaa sida hsdaw magoolaan kugu soo hirtaayee nin haraad qaba oo hogol roob arkayoo hangadaan ahee haa haa hoobaantaa lulataan soo haab haabanayee hanqalkaan la kacee haa haa waa lay heloo waaba lay hayaa sida halo ka reebaan kaliday hugmaayaa hadh cadbaan lumayoo ka habaabay rugtoo lay haybinayee haa haa hilaacbaa ii baxoo waxuunbaa ila hadloo i hogaaminayee haa haa waa lay heloo waaba lay hayaa sida hadow magoolaad kugu soo hirtaayee nin halbawluhu dhiig habayaan ahayoo wadnuhu hawda hayee haa haa nin haraad qaba oo hogol roob arkayoo hangadaan ahee haa haa hayin gaabinayaan hawd caleenliyo doog hayaankii u raree haa haa waa lay heloo waaba lay hayaa sida halo ka reebaa kaliday hugmaayaa
Queue is empty
-- / --