waan ku haybinayoo
hurdo kaama ladoo
huqdaadaa i dishee haa haa haa

jacayl waa halisiyo
hawl aduun ku jirtee
haybad la'aa u dhintee haa haa haa

waa la i heloo waaba la i haya
sida haad magoolaad
kugu soo hirtaayee

nin halbawluhu dhiig
wadnuhu hawda hayee haa haa

hoobaantan lulataan
soo haabhaabnayoo
hanqalkaan la kacee haa haa

waa la i heloo waaba la i hayaa
sida halo ka reebaad
kaligay hugmaayaaa

hadhcadbaan lumayoon
ka habaabay rugtoo
la i haybinayee haa haa haa

hilaacbaa ii baxoo
wuxuunba ila hadloo
i hogaaminayee haa haa

waaa l i heloo waaba la i hayaa
sida haad magoolaad
kugu soo hirtee

nin haraad qaba oo
hogol roob arkayoo
hangadaan ahee haa haa haa

hayin gaabinayaan
hawd caleenliyo doog
hayaankii u raree haa haa

waa la i heloo waaba la i hayaa
sida halo ka reebaad
kaligay hugmaayaa

Exit mobile version