walaashaydii rumaadeey
adaa rubadiyo qalbiga
ruxoo dhiiga raacayoo
raxmadbaan kuu hayaa

raaxaan kula jeclohoo
rafaadbaan kula necbahay
hadii ay riiqantana
ruuxdaan kuula bixi laaa
RABIna uu igu ogyoo
taniyo raad qaadan laa
markaan ku arkaan riyaaqaa
raxleeyaayoo indhaha
ilmadu ay ragax tidhaa

walaal raas buuxiyo hoobeey
nolol rayn raynlebaa hoobeey
raxmaanka aan kuu baryee
rucubta ubaxee udgoon
gudoon lakiyeey gudoon
ducada aad rogatayee
amaantaa la isu raac

walaashaydii rumaay
waanadu waa raasamaal
dhagaha loo raaracshoo
noloshuna waa rajee

ahow raas wayn dulqaad
rugteeda ku maamushoo
gacalku uu ku reeyay oo
DAAIMKEED raaliyo taqaan
risiqa MAWLAA baxshee
riyada beenee aduun
ayay kuu rumayn naftuye
rukuucdiyo samaha badi
riximkaagana ha goyn

Exit mobile version