xalay hurdada maan ladin
lurkii caashaqaagoo
lahashada naftaydaa
hilooy aaminaysoo

laydhii jacaylkaa
igu laba lisaysoo
waxaan laamadoodaa
markaan laxawga daaree

laxaadkiisa awgii
wuu ilaba dibleeyee
igu noqoy lugooyee
ladan aan ku wehesado

la igu kaa lifaaq ani
inta laga adeegiyo
lafahayga dheeriyo
laga iyo beerkiyo

lubigaad ku taalaa
ladi maayo jeeroo
lamaane isu daacadiyo
laba mida ahaanee

anba ladankaa hore
waa lamaane noloshiyo
laabta ugu sheekee
libintaad haleeliye

Exit mobile version