Markuu seexday aadmigu
Iyadoon ilays jirin
Aqalkuna madawyahay

Araweelo ii timid
Kacoo eeg sow imay odhan
Ubaxaan dugsiga dhigay

Niyada ka oogsaday
Markaan furay albaabkii

Awrkii cirkaan xalay
Arkayoon ku moodee
Mudaan ku ag wareegee

Ugubnimo xishoodlee
Il nugaylna waadtahee
Afka kama cadayn karo
Ergana uma dirin karee
Caashaqu ogaysiis ma leeyay

Afi jacayl la ooman
Kolay eed ma waydee
Sida igadh maqaarley

Olol reemay goortaan
Indhahayga wiilkii aan
Ogolaaday saaree

Niyadaan ka ooyaa
urugada xasuusta
Uurkiyo caloosheey
Aramidu i jiifaan
Ma ilaawi karaaye

Exit mobile version