4.5 doonimayno
qabiil iyo qaran dumis doonimayno
dadkeenoo la kala sooco dooni mayno
duuduub adi qaado qabiiliste
waa run qabiiliste waa run ha i sheegan
iga durug ani duli baa tahay
shacabkaygii dadkayga waad xasuuqdeen
doolar baa tahay caado qaatee
dal shisheeya adigaa i keenay
shacabkayga doonta adigaa
kuwii bada qaaday adigaa dilay
hooyada goblantay adigaa duqeeyay
culimaau diintana adigaa daldalay
miyaad dareen lahay n
ma damqatid miyaa
diinta alle kuma celiso miyaa
shacabkayga dulmiga ka daaya
calanka dayacan dhulka maad ka qaadn
sangadhuudhiga dalka maad ka saartaan
tollayeey ala ciil badanaa
4.5 doonimayno
qabiil iyo qaran dumis doonimayno
dadkeenoo la kala sooco dooni mayno
duuduub adi qaado qabiiliste
taariikhdii dalka wale waad gasheen
maydkii gaalkaad u sujuudeen
diintu qori maysee waad dambaabteen
ceelcade shacaybkayga diyaarado galay
madfac lala dhacay
dumarkii dhamaa ubadkii dhamaa
dadkii dhirta dhulka lala simay
yaa u gurmaday ciidan yaa u diray
miyaa dawlad qabin aaway dawladaydii
daainoow alloow waad u jeedaa
dugaag baa i wareeray
ubadkayga laayay
sangadhuudhiyoow waan aarsan
waan ku dabargoyn
hilabkaagan dubi walee waan cunni
4.5 doonimayno
qabiil iyo qaran dumis doonimayno
dadkeenoo la kala sooco dooni mayno
duuduub adi qaado qabiiliste

Exit mobile version