araggaa muuqaa ideeqay
asluubta dookhaa ku raacay
asalkaa sinjigaa i shidayoo
aayaha inantaan layaabay

adduunka habeenka jooga
amaan kaliga tilmaamay
agjoog wehelkeeda doonay
abaabul jacayl dareemay

ayaan nin helaa nasiib leh
aqal u dhigaa ayaan leh

aroos u tumaa aflaxaayoo
awlaad udhashaa ammaan mudan

ayaan dhaladeey abbaayoo
aqli badaneey ooridaydaay
abaalbaa mudantahayoo
axdigii illaawi maayoo

adduunka intaan kunoolahay
ayaan inankale maddoono
afkaygana uma furaayo
agtaàdana kama irdhoobo

ayaan nin helaa nasiib leh
aqal u dhigaa ayaan leh

aroos u tumaa aflaxaayoo
awlaad udhashaa ammaan mudan

Exit mobile version