VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhadhaab - Lyrics

dhaawac baan ahay mana dhutiyo dhakhtar la ima dhigo la imana dhayo dhambaalada qora dhankastaba u dira dhawaaqayga maqla buuga igu dhiga dhib iyo dheef waxaan ka helaa markaan dhaayo saaraan dheygagaa dhulka cagta la dhacaa dhididaa ilaa dhuxo ii shubmo maba dhaadee inanyahay dheeshaan ma dhamaatoo ana kama dhargo kama xiiso dhaco dharaar iyo habeen waan ku dhuubtee armaan u dhintaa dhooleey la i dhababaa dadkaan ka dhashoow i dhagaysta dhimbiishan i gubi walee waa dhab dhiiigay miirataa dhadhankay jartaa dhoolatus miyaa waan ka dhaartee dhayman iyo luul miyay haysaa waan dhaqaaqaa waan u dhelmadaa dharartii dhadhaab baan dhex lugeeya way i dhoofisee dhal magaalo miyaa inanyahay dheeshaan ma dhamaatoo ana kama dhargo kama xiiso dhaco dharaar iyo habeen waan ku dhuubtee armaan u dhintaa dhooleey la i dhababaa
Queue is empty
-- / --