dhaawac baan ahay mana dhutiyo
dhakhtar la ima dhigo la imana dhayo
dhambaalada qora dhankastaba u dira
dhawaaqayga maqla buuga igu dhiga
dhib iyo dheef waxaan ka helaa
markaan dhaayo saaraan dheygagaa
dhulka cagta la dhacaa dhididaa
ilaa dhuxo ii shubmo maba dhaadee
inanyahay dheeshaan ma dhamaatoo
ana kama dhargo kama xiiso dhaco
dharaar iyo habeen waan ku dhuubtee
armaan u dhintaa dhooleey la i dhababaa

dadkaan ka dhashoow i dhagaysta
dhimbiishan i gubi walee waa dhab
dhiiigay miirataa dhadhankay jartaa
dhoolatus miyaa waan ka dhaartee
dhayman iyo luul miyay haysaa
waan dhaqaaqaa waan u dhelmadaa
dharartii dhadhaab baan dhex lugeeya
way i dhoofisee dhal magaalo miyaa
inanyahay dheeshaan ma dhamaatoo
ana kama dhargo kama xiiso dhaco
dharaar iyo habeen waan ku dhuubtee
armaan u dhintaa dhooleey la i dhababaa

Exit mobile version