weligeey umaan godin
garka hadalka umaan furin
jacayl lama gardaadin
ruux garaadku maqanyahay

goob libaaxu deganyahay
guri maran hamoodinee
caashaqana ha ugefin

mar haddaadan garanayn
gabalkaba inuu dhacay
naftan weey ku gooysee
iska eeg gawaarida

gamboolayda dumar qaar
dhaqankii ka guuroo
garashadu irmaaneeyd
sheekaba kamaan guroo

gaari goba haddaad tahay
gabdhahana wax dheer tahay
giniyaal adduunyaan
kugu guursan lahaa adii

mar haddaadan garanayn
gabalkaba inuu dhacay
naftan weey ku gooysee
iska eeg gawaarida….

Exit mobile version