Kuma baahni gabaryahay
bartaada iga joog
Badanka iyo qalbiga
Ma bogsiin karo
Bog iyo been baad ku bariisataa
ha ibursan ha ibaryin
buuqa iga daa

Bqoorkiii ku uumay
sadkuu kuu qoray
Lama baaji karee
Ha barooran
dhinac iga beer

Kala baro iga baro dadka
Kuuma bogin iga durug waa bis
Sida baalalayda habood boodinee
caga dhigo barinyee caga dhigo
Inan kaa bilan baa isugee caga dhigo
waa bahdaydee iga badan

Kuma beegsan aniguye bidix iga leexo
Kuuma baaqina digoo balan kuuma dhigin
Bogga iyo wadnuhu kuma baahi qaban
Ha ibaadin ha ibaacsan booto iga daay

Buur aad kori karin kama boodi kartidee
Haka jabin boodada iimaanka buuxso
Dhinac iga beer

Kala baro iga baro dadka
Kuuma bogin iga durug waa bis
Sida baalalayda habood boodinee
caga dhigo barinyee caga dhigo
Inan kaa bilan baa isugee caga dhigo
waa bahdaydee iga badan

Exit mobile version