VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Miro dhadhan macaan - Lyrics

markaan dhankaaga eegaba daymo kalgacal hadba dhinac hadba dhan daawadaayoo farxad isha dhag ka siiyaa kaama dhargaan indhuuhu dhugashada kalgacalkee jacay qoto dheer baa wadnaha i dhex jiifee midho dhadhan macaanoo ka dhargaynin waligaa baad nafta uga dhigantoo waan kugu dhadhabayaa markaan maqlo dhawaaqiyo dhagdhagtii qosolkaagee farxad ku dhigtay xasuuse qalbigu soo dhaweeyaa dhexda yaree wacaniyo qoortaada dheerbaa dhaayihii jalleeecaa ku dhaygagaan abide midho dhadhan macaanoo ka dhargaynin waligaa baad nafta uga dhigantoo waan kugu dhadhabayaa habeenkasta dhamaantii dheelalaw kalgacalbaa dhan kastoo u seexdaba ku dhamaystaa hurdade dhadhansoo warkaygoo inaad qiimo dheertoo oo aan dhab kuu jeclay dunidoo dhan baa oge midho dhadhan macaanoo ka dhargaynin waligaa baad nafta uga dhigantoo waan kugu dhadhabayaa timahaagan dheree soo dhaafay dhabarkiyo labada naasoodba dhinac hadba dhan ka dhawraa ubax midabka dhiinee aan dhagta kuu sudhee soo dhawee luquntoo ha iga dheeraan inaadeer midho dhadhan macaanoo ka dhargaynin waligaa baad nafta uga dhigantoo waan kugu dhadhabayaa
Queue is empty
-- / --