markaan dhankaaga eegaba
daymo kalgacal hadba dhinac
hadba dhan daawadaayoo
farxad isha dhag ka siiyaa
kaama dhargaan indhuuhu
dhugashada kalgacalkee
jacay qoto dheer baa
wadnaha i dhex jiifee
midho dhadhan macaanoo
ka dhargaynin waligaa
baad nafta uga dhigantoo
waan kugu dhadhabayaa

markaan maqlo dhawaaqiyo
dhagdhagtii qosolkaagee
farxad ku dhigtay xasuuse
qalbigu soo dhaweeyaa
dhexda yaree wacaniyo
qoortaada dheerbaa
dhaayihii jalleeecaa
ku dhaygagaan abide
midho dhadhan macaanoo
ka dhargaynin waligaa
baad nafta uga dhigantoo
waan kugu dhadhabayaa

habeenkasta dhamaantii
dheelalaw kalgacalbaa
dhan kastoo u seexdaba
ku dhamaystaa hurdade
dhadhansoo warkaygoo
inaad qiimo dheertoo
oo aan dhab kuu jeclay
dunidoo dhan baa oge
midho dhadhan macaanoo
ka dhargaynin waligaa
baad nafta uga dhigantoo
waan kugu dhadhabayaa

timahaagan dheree
soo dhaafay dhabarkiyo
labada naasoodba dhinac
hadba dhan ka dhawraa
ubax midabka dhiinee
aan dhagta kuu sudhee
soo dhawee luquntoo
ha iga dheeraan inaadeer
midho dhadhan macaanoo
ka dhargaynin waligaa
baad nafta uga dhigantoo
waan kugu dhadhabayaa

Exit mobile version