VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aaminaay - Lyrics

Aaminey xusuusnow inkastoo ayaamahan arintaadu adag tahey aadmigu siduu qabo ama ay aniga ila tahey Adna aad ogsoontahey ifka intaan ku noolahey kaa ooli maayee In ninkale arooskii kuu abaabulaanoo oridiisa noqotana waa midaan ahaaneyn Arin waxan ku goynaba soo ururi taladoo isu imashadeenii arbacada habeenkii afar saac markey tahey hay inoo ahaatee aaminaay xusuusnow Aaminaay xusuusnow hadal wuxu amaan yahey intaanad odhanine afka haduu ka soo baxo adigu uma arimiside ummaduu u dhexeeyaa arkaa qaadna weeyoo oodiisu kaa rogan doqontii ismoodee arooskeed ka heestiyo indha u garad ha noqonine iska hubi ujeedadan Arin waxan ku goynaba soo ururi taladoo isu imashadeenii arbacada habeenkii afar saac markey tahey hay inoo ahaatee aaminaay xusuusnow
Queue is empty
-- / --