VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl dhaxal gal music - Lyrics

Dhaguhu ruux kale Dhagaysani waa
Dhaayuhu bashar kale ku dhaygagi waa
Dhigaa aadmiga kol dheehani waa
Qoraxda dhalatana ku ag dhigi waa

Afkii dhuuniga dharaar cuni waa
Hurdana dhabarkii dhulkii qaban waa
Dabnuhu eray dhiilan dhamay dhihi waa
Amaan kuu dhigan xiskii dhisi waa
Dhabeel quruxlaay dhamayn kari waa

Nacabka dhurmaaya xubiga dhimi waa
Kalsoonida dheer la dhibi kari waa
dhexdeena namiim ka dheef heli waa
I dhowr mooyee i dhaaf maqli waa
Jacayl dhaxal gala wax dhaama la waa

Qof kuu dheeliya dhaqaaq kari waa

Dartaa kala dhiman dhankaa mari waa
Naftii dhaktar kale marnaba dhayi waa
Wadnaha dhaarsane is dhiib ulan waa

Dhaqanka jiilkana u dhaadhici waa
Dhediga idilkood dhalaal bidi waa
Xiskii kula dhacay u dhabo gali waa
Si ay dhagax yihiin dhoolaha tusi waa
Cishqiga dhayalka ah ku dheel jili waa

Queue is empty
-- / --