Muqiida waan arkayaa
hadalka waan maqlayaa x2

madheera ee
muugeed ishaan ka meeriyaa

mar baan idhaahdaa
ma u sheegataa
mayee afkuna ka maagaayaa

mahadhada kalgacalkiyo
midayda inuu ogaadee

ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa

Maankeyga wuu ka gurxamaa
murugo ciil mir baan qabaa

malaxumaan
taliyo maan is moodayaa

mar baan idhaahdaa
ma u sheegataa
mayee afkuna ka maagaayaa

mahadhada kalgacalkiyo
midayda inuu ogaadee

ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa

Ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa

Magaca waan tilmaamayaa
muskana waan qar roorayaa

maleegayaa
arinta waan murginayaa

midhaha waan ka reebayaa
hadana waan micneynayaa

mahadhada kalgacalkiyo
midayda inuu ogaado

ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa

Ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa

Mataanuhuu ka unkamaa
uurkeyga wuu ku meerayaa

ku maaxayaa
dhiigeygu wuu ku milmayaa

midigta waan is haysana
hadana meel fog buu jiraa

mahadhada anaa qabee
maankiisu way iga jeedaa
mililico aa isheydu
way ku maqantahoo
dhankiisa waan maandhawrayaa

ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa

Exit mobile version