oraxdoo Aroortii

Qoraxdoo aroortii
qaybisay falaarahaa
Ama qaanso roobaad
daruur midab ku qarisay
qeymaheedii leedee
qof meyda lama amaanoo
qalad looma heesee
qureyshtii haweenkaay

Naftaad qancisaybaa
kuu qushuucdayoo
wanaag kuu qireysee
qabrigaa hortii qaradee
bariin aad u qaboobiyo
Qaadirkay ha ku geeyo

Haddaan qiro runteydoo
qotonshoo warkaygaa
ruuxan kugu qiyaasoo
kula qeyr dhigayaa
kama qaadin indhahee
sida roob qayoodoo
saxansaxa qabow leh
laabtayda qaadee

Naftaad qancisaybaa
Kuu qushuucdayoo
Wanaag kuu qiraysee
Qabrigaa hortii qaradee
Bariin aad u qaboobiyo
Qaadirkay ha ku geeyo

 

Qufaalada jacaylkoo
u qabiray naftaydaa
ilamaad qalaynine
waad ila qorshaysee
iga saartay qoolkii
qamandhacada dusheydiyo
qamuunyadii i saarnayd
ilamaad qaxootiyine

Naftaad qancisaybaa
kuu qushuucdayoo
wanaag kuu qiraysee
qabrigaa hortii qaradee
bariin aad u qaboobiyo
qaadirkay ha ku geeyo

Exit mobile version