VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ilkaheeda dhuuxaa - Lyrics

Ilkaheeda dhuuxaa
indhaheedan dheeydaa
dhabankeeda curubtaa
suniyaha bildhaladkiyo
sida qaanso lagu dhigey

Timaheedan dhuxushaa
badhkood dhaafey dhabarka
badhna soo dhaceenee
laydhu ay ku dheeshiyo
midabkeeda dhiinkaa

Mawaagoo dhalaaleybaa?
ma dhibic seermawaydaa?
ma dhalaan la jecelyaa?
ma xaley ubax dhashoo?
dhagaha fidiyoo?
ka dharqaadey xareedoo?
dharabkii ku yaalbaa?

Sida dhoolka guga oo
dhudhubihiyo kaymaha
dhawr beri ku hooroo
dhirtii wada magooshoo
saacii wada dhalaaley

Rahu fiid dhawaaqoo
Roob-ladhacu dhexmaaxoo
baalaleydu hadba dhinac
isu kala dhigeysaad
qalbiga uga dhigantee

Mawaagoo dhalaaleybaa?
ma dhibic seermo waydaa?
ma dhallaan la jecelyaa?
ma xaley ubax dhashoo?
dhagaha fidiyoo ?
ka dharqadey xareedoo?
dharabkii ku yaalbaa?

Waa dhameeys haweenoo
dhex-yarideeda madagtaa
luqunteeda dhabigaa
dhaayihii jaleecaa
dhibaatada halmaamee.

May dhiman Suleekhoo
dhulkeeney ku nooshee
tii ka dhaxashay quruxdee
nabi Yuusuf dhalayee
hanaan loo dhamaayaa.

Queue is empty
-- / --