Heesta Inan yahey (Kaban) - Lyrics
Inanyahey dushaadaa
ley mariyey dacaroo
dirqi guurku maahee
dookhaan ku raacine
ragga laguma diidee
ruuxii aan ku dooneyn
waa laga danbeeyaa
dadnimadda aqoonsoo
sidii dumar xishoodo
hadalkii la dadi jirey
haygu odhan dib dabadeed
Inanyahey diraaciyo
dirir hoorey kala wacan
adoo doog arkaayaana
lama dago abaaree
nin tiisiiba daayacey
ka kale dugsanayaa
ani igala doqonsane
dadnimadda aqoonsoo
sidii dumar xishoodo
hadalkii la dadi jirey
haygu odhan dib dabadeed