Dadkaan kala jaad ahoow
Dooqaan kala jaal ahoow
inanyahay Jamaalkaada quraxda
Joogaada iyo muuqa wacan
Jaleecada eegmadaada
Indhahaad soo jiidataayee

Jawiga nolashaad saxdaa
Jacayl baad abuureesaayoo
Jawiga nolashaad saxdaa
Qalbigaad dhax jibaaxeesaaye
Jidkii kalgacaylka noqo

Kartida iyo kalgacaylka halista ah
Jalaafo intaad ka dhooorto
Intaad ujaxaastid beerka
Jibo iyo farax ila ogoow

Jariiracada iyo dareenka
Qalbiga weli jamadiisa
intuu jirka iyo halbowlaha
Dhamaan jimaha ku faafay
Intuu jamo geel ka maalay
Ayuu aniga ila jiiftay

Adaase Jacayl ibaray
Weliba jaantada dheer tumay
Jidkaadka ka noor naftayda

Exit mobile version