Miduun baan qalbiga
ka maqnaanino
ku dhex maaxatee
Kama maarmayoo
hadii aan arkana
meeluun bay i go’dee

Ma ogiyo jacayl
waa maxay
waa macaan
amba waa qadhaadh
kolba waa siduu
kuu soo maree

Waa magaca cudur
midka ugu xumee
dadku moogyahee
ma moodeyn sidane
bal maleeya oo
maxaa lagu daweyn

Midab lagu gartiyo
waxaan muuq lahayn
ayuunbay mirtee

Muraaniyo garbaan
mudul tuul cidla ah
isu mudhuxsanee

Ma ogiyo jacayl
waa maxay
waa macaan
amba waa qadhaadh
kolba waa siduu
kuu soo maree

Waa magaca cudur
midka ugu xumee
dadku moogyahee
ma moodeyn sidane
bal maleeya oo
maxaa lagu daweyn

Mahadhada dhibtiyo
murugadaan qabaa
iga muuqatee

Dadku ii maleey
inaan ahay maraan
lagu maadsadee

Ma ogiyo jacayl
waa maxay
waa macaan
amba waa qadhaadh
kolba waa siduu
kuu soo maree

Waa magaca cudur
midka ugu xumee
dadku moogyahee
ma moodeyn sidane
bal maleeya oo
maxaa lagu daweyn

Exit mobile version