VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caashaqa - Lyrics

Sow jacaylkaan ila dagay Adna kuma damqaayoo Sow dookh iskeen baday Dareenkeena muu simin Sow sow doonistaan qabo Adna kuuguma darnoo Sow doonta caashaqa Dakhar kulama qeybsado Dakhar kulama qeybsado 2x Dambarsaday kalgacalkre Anoon daacad u nugul Sow duubi kuma dabmin Anba waan durduurdee Anoo adiga kaa daran Saw darartiisa maan cabin 2x Najaxeey ha doogsadee Wax duduuca ka ogow Isku duubnideeniyo Alle nagama dumiyee Caashaqa ku soo durug Ku soo durug Caashaqa ku soo durug Anba waan dugsanayaa Isku duubnideenoo Cabdoow ma diidi karee Ha u baqan ha u baqan docdaydee Caashaqa ku soo durug Ku soo durug caashaqa 2x Sow duraansigaan qabo Adna kuguma damqaayoo Sow damaca lahanshadu Dul ahaan inama simin Sow sow doorka caashaqu Kolba kuma dayeeyo Adna doogta igu ladhan Dartaa ulama sii lumo Dartaa ulama sii lumo 2x U darsaday gobaadeey Deymadaada aragoo Dadkaan kuugu jecelahay Anba maanku dagi waa Doorka aan ku waayoo Sow dunka kuma daboolo 2x Najaxeey ha doogsadee Wax duduuca ka ogow Isku duubnideeniyo Alle nagama dumiyee Caashaqa ku soo durug Ku soo durug Caashaqa ku soo durug Anba waan dugsanayaa Isku duubnideenoo Cabdoow ma diidi karee Ha u baqan ha u baqan docdaydee Caashaqa ku soo durug Ku soo durug caashaqa 2x
Queue is empty
-- / --