VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caashaqu ogaysiis ma leeyahay - Lyrics

Markuu seexday aadmigu Iyadoon ilays jirin Aqalkuna madawyahay Araweelo ii timid Kacoo eeg sow imay odhan Ubaxaan dugsiga dhigay Niyada ka oogsaday Markaan furay albaabkii Awrkii cirkaan xalay Arkayoon ku moodee Mudaan ku ag wareegee Ugubnimo xishoodlee Il nugaylna waadtahee Afka kama cadayn karo Ergana uma dirin karee Caashaqu ogaysiis ma leeyay Afi jacayl la ooman Kolay eed ma waydee Sida igadh maqaarley Olol reemay goortaan Indhahayga wiilkii aan Ogolaaday saaree Niyadaan ka ooyaa urugada xasuusta Uurkiyo caloosheey Aramidu i jiifaan Ma ilaawi karaaye
Queue is empty
-- / --