Jacayl aan dhamaan baa
Wadanahay dhaxqaado
La dhaqaaqi waayaan
Dhabtii aan la ooyaa
Dheeman la moodyow
Dheel dheel hamoodinee
Waa iga dhab jacaylkuye
Soo Dhaqaaq dhankaage
Dhab isii macaanow
Dhabta kaalay igu qabo
Dhaqtarkii jacaylka baa
Dhayi lahaa naftayde
Kuma dhaafi karayee
Soo dhaaf dhankayga
Muxibada dhabweeye
Dhami waaxyahayga
Aday kaa dharsugayaan
Soo Dhaqaaq dhankaage
Dhab isii macaanow
Dhabta kaalay igu qabo