hoobaalayoow hoobeey
dhaaxaaan sugaynee
sooyaalka dhaqankiyo
dheeshiyo ciyaaraha
arooskaan dhacaayaa
farxada noo dhmaystiray
hoobaalayoow hoobeey hoobaalayoow

dhex yareey laadarey
dheemaneey aniisaay
dhabtii caashaqaagan
dhiguu EEBE kuu qoray
dhami uu ku siyee
hobaalayow hoobey hobaalayow

sayigaaga dhawroo
waligaa ha dhibin
u dhago nugloowo
ha dhantaalin reerkana

laadarow dhankaaga
dheemantaad jaclaydee
dhiigiyo halbawlaha
wadnaha u dhiibtee
dhinacaygaay joogtaa

adna ooridaa dhaqoo
waligaa ha dhibin
u dhago nulowoo
yaan dhaliil lagaa helin

Exit mobile version