sidii laydhii iftiin amaba laac meel kabaxay
naftayda adaa ku ladhan
labeen ii laasimoo adaan kuu lumayee
lubiga laakiin ha galin

waxaad tahay kaan labaxay amaba
dheeman iyo luul aduunyada laaca wayn
anigu layl iyo dharaar la aantaa kuma ladee
lubiga laakiin ma galin

lagiyo laabtiyo wadnaha adaa ku likaysanoo
ka laalaadoo labxada
inay liiq liiqatiyo si aan luuf luuf u iman

laxaadka jirkiyo xubnaha yarkaan ku lifaaqayo
sidii lugihiyo gacmaha
labaan kala maarminoo is luudiya baynu nehee

Exit mobile version