dayaxaan jeclaayoow
caashaq baa daraada
maankayga doorshee
dagi wayday laabtayhee
intaan dunida joogana
adigaa i deeqoo
kuma dayn karaayee
diiftiyo dhiibtaan qabo
macaan haygu daynine
qalbiga ku doortee
ha u darnaanin caashaqa

dadka seexday idilkood
dareenkayga adiguu
ku doondoonayaayo
daydaygaagan ku daalo
intuu daadku ila tagin
ila dagin jacaylkuye
dawee nabarada
diiftiyo dhiibtaan qabo
macaan haygu daynine
qalbiga ku doortee
ha u darnaanin caashaqa

Exit mobile version