taariikhdii hadaan raadshay raga dumar siduu yeelay
ridadii la noo gaystay riinkiyo xanuunkeeda
raaliyaa idiin roon reerkeeda dhaqanaysa
rugac kugula noolayn markii rogontankii
gaadhay inta reeda laga laabtay raaskalena
loo dhuuntay tii hore rafaad bogatay
ubadkeedi kala rooreen reerkaas ninkii lumiyay
sow inan raguun maaha
waa dariiqee kuma rabo guurse raadshe ragba waan
ka quustoo runtii aniga
rug cadaa wuxuu sheegay xilka waan ka riixnaaye
gabadh looma roonee taladii markaan ruugay
rayigayga wuxuu goostay xaragadaan raxlaynaayey
ratiyaan reeraayay rugtii aan yagleelaayay
wuu riyaaqay guurkayga raadkaa ku jabay weeyee
ribataye ka noqo oo racfan malohoo waan raaree
rajadaa ninkii lumiyay

Exit mobile version