aduunyada tusaaliyo
wakhti lagu tixraaciyo
taariikho qoranoo
taalo loo dhisaa jira
tiir weeye noloshuna
waxaa taaba galoo bila
ama taakulayn kara
kalgacayl tilmaanlo
taran iyo caruur looo
talantaali loo hago
waxaa taaga caaashaqa
talo iyo awood mida
tabac iyo dulqaad badan
taagero wada jira

caashaqa ma tabay xalay
ma tabaabulshaystoo
ma tiirsaday xiliga dheer
marna goor tilmaantada
tobon jeer miyaan dayay
waxa taas daliil u ah
adigoon u took hayn
boholyaw i taabtiyo
tiiiraanyo igu badan
aawada la tiicaa
waxaa taaga caaashaqa
talo iyo awood mida
tabac iyo dulqaad badan
taagero wada jira

Exit mobile version