VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waa adiga - Lyrics

qalbigayaga adigaa nastoo niyada dabin nagid ku tahay uuno nuurka indhaha iyo naftaa saaxil kentaye nabarada i damqana iyo halkay dububtu iga hayso ee nacabku iga wiiqay ee naafo ii yeelay ee igu noqnoqonaaya baa galay abdiga iyo nudaha beerkayga waa adiga ruuxii indhuhu aayar ku naastane waa adiga ruuxi naftu oonkii uga guudhay waa adiga ruuxan aan nacayn oo aan nasiibsadaye ha nusqaamin caashaqani waa nabad gal labadeena sida nuxurka geedahaha nalka iyo ubaxa iyo naq iyo roobaadka neecawda udugiyo qaow la isku naxariisto ayaad adigu ii tahay ha is odhan ku nacay adiga ha i odhan mid kale nawil ha i goynin neerfaha garo waxaan adiga kuugu noqnoqonayo waa adiga ruuxii indhuhu aayar ku naastane waa adiga ruuxi naftu oonkii uga guudhay waa adiga ruuxan aan nacayn oo aan nasiibsadaye ha nusqaamin caashaqani waa nabad gal labadeena
Queue is empty
-- / --